Muqdisho(INO)-Qaar ka mid ah xildhibaanada ugu cad cad Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mid ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka wakhtigeeda dhammaaday iyo aqoonyahano ka tirsan ururrada bulshada ayaa dhex martay dood culus oo bannaanka u soo saartay arrimo ka qarsoonaa shacabka.
Axmed Macallim Fiqi oo ah musharax Madaxweyne, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre iyo kuwo kale ayaa ka mid ah xubnaha ka qeyb galay doodaan oo uu soo qabanqaabiyay Telefishanka Somali Caple isla markaana lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Sahra Maxamed Sheekh Cusmaan oo ka qeyb qaadaneysay dooda ayaa ka hadashay marxaladihii uu dalka soo maray, gaar ahaan hab maamulka Dowladda Federaalka mudadii afarta sano ahayd, iyadoona sheegtay in dalka uu ka dhacay nabaad guur dhinaca dhaqaalaha ah.
“Nin qabyeeyay doonimeyno, balse waxaa cad in waxqabad la’aanta Dowladda ay ku lug leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaankii hore” ayay tiri Sahra Maxamed Shekh oo sheegtay in madaxda dowladda xilligeedu dhammaaday ay iibsatay dhammaanba hantidii qaranku lahaa, isla markaana xarumihii danta guud ay ka iibsatay ganacsato.