CubaDiyaarad ay leedahay Shirkadda Jet Blue, tirsigeeduna uu ahaa 387, ayaa markii ugu horeysay rakaab ka qaaday Magaalada Fort Lauderdale ee Gobolka Florida Arbacadii shalay, iyadoona ka dejisay Magaalada Santa Clara ee Gobolka Villa Clara, waana markii ugu horeysay in ka badan 55 sano oo diyaarad rakaab inta ka amba baxdo Mareykanka ay ka degato Cuba.
Diyaaradan oo qiimaheedu uu jaban yahay, ayaa waxay dadka labada dhinac ka caawin doontaa inay isugu kala gooshaan labada dalka.
Rakaabka oo si diiran looga amba bixiyay Magaalada Fort Lauderdale, ayaa lagu soo dhaweeyay Santa Clara. Shaqaalaha Garoonka ka hawlgala, ayaa la arkaayay iyagoo dadkaasi ku soo dhaweynaya calamada labada wadan.
Safiirka Cuba ee Mareykanka, Amb. Jose Ramon, ayaa sheegay in Xukuumadda Havana ay soo dhaweynayso in dib loo bilaabo duulimaadyadii rakaabka ee labada dhinac, in ka badan muddo 55 sano ah oo xiriirka labada dal uu xumaa.
Agaasimaha Shirkadda Jet Blue, Robin Hayes, ayaa isna sheegay in Jet Blue ay duulimaadyo joogto ah ku kala bixin doonto Mareykanka iyo Cuba.
Tani waxay ka dambeysay xiriirka labada dal oo soo hagaagaayay labadii sano ee la soo dhaafay. Mareykanka ayaa dib u furtay Safaaradiisii Havana, halka Cuba ay iyaduna dib u furatay Safaaradeedii Magaalada Washington.