Dekada ku taala degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku soo xirtay doonidii labaad oo wada badeeco ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada ka soo jeeda gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya. Waxaana arrintaani ay dareen farxad leh ka muujiyey shacabka gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Furitaanka Dekada Hobyo waxay meesha ka saareysaa ku tiirsanaantii iyo baahidii dadka gobolada dhexe ee Soomaaliya ay u qabteen in ay badeecadahooda kala ee uga soo dega dekadaha Magaalooyinka Bosaaso iyo Magaalada Muqdisho. taasoo ay kala kulmi jireen dhibaatooyin dhaqaale iyo ciriiri xaga nolosha ah.
Idale News Online, Hobyo, Mudug