Baydhabo(INO)-Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta Dwoalda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya gaaray wefdi uu horkacaayay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire. Nicholas Kay.
Wakiilka iyo wefdigiisa oo ka amba baxay Garoonka Duulimaadyada Magaalada Garowe Ee Maamulka Puntland, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Nicholas Kay iyo xubnihii kale ee la socday, ayaa gaadiidka qufulan ee Amisom lagu geeyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli uu ku sugnaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shir gaar ah, ayaa labada dhinac iminka uga soconaya Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, waxayna kaga hadlayan Hiigsiga sanadka 2016, Dhismaha Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada uu caalamka siiyo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Imaantinga wefdiga Danjire Nicholus key ayaa ku soo beegmaya xilli Magaalada Baydhabo ay soo gaarayaan wufuuf caalami ah iyo Kuwo uu hogaaminayo RW, Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke. Ugu dambeyntii, ammaanka guud ee Magaalad Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo