Muqdisho(INO)-Waxay u muuqataa in isfaham iyo heshiis laga gaaray waxa dhacaya marka la gaaro sanadka 2016-ka, xiligaasi oo markii hore lagu waday in ay dalka Somalia ka dhacdo doorasho.
Nicholas Kay, ergeyga qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka hordhacay shaacinta go’aan hoosta laga gaaray ayaa sheegey qaabka looga gudbayo 2016-ka.
Nicholas Kay Waxa uu sidoo kale sheegey in howlo badan ay dhiman yihiin, waqtiga doorashada la qorsheeyeyna ay ka dhiman tahay 8 bilood oo kaliya.
Wararka kale oo la helayo waxa ay sheegayaan in maamul goboleedyada ay kaalin mug leh ku yeelan doonaan 2016-ka, islamarkaasina madaxweynaha iyo madaxda maaamul goboleedyada ay heshiisyo ka gaareen arrinkaasi, kuwa kalana u dhimanyihiin.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho