Daawo: Dallada SOSWENSA Ee KG Soomaaliya Oo Dood Wadaad U Qabaty Bulshadda Rayida Ee Degaanadda KGS.

0
238

 Baydhabo(INO)- Kulan loogu magacdaray Madasha wada tashiga Bulshada Rayidka Ee Degaanadda Dowladda Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Dallada Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya loo soo gaabiye (SOSWENSA) ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Kulankan oo ahaa mid looga hadlaayey Hiigsiga Cusub Ee Soomaaliya ay leelan doonto Sanadka 2016 islamarkaana aragti looga dhiibanaayey sida ugu haboon ee ay noqon karto doorashada dalka ka dhici doonto 2016-ka waxaana k asoo qayb galay Ururada Bulshada rayidka Ee Degaanadda Dowladda Koonfur-Galbeed Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Bay.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay ujeedadiisa sheegay Gudomiyaha Dallada Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Konfur-Galbeed Soomaaliya (SOSWENSA) Cabdi Cadow Axmed ayaa sheegay in Bulshada Rayinka marnaba looga maarmin geedi socodka dowladnimo iyo talaabo kasta oo la qaadayo oo quseysa bulshad

Waxaan halkaan isugu nimaanay sida ugu haboon oo dadkeena cadaalad ku heli karaan iyo doorasho xaq iyo halaal ah oo ka Dhacda Soomaaliya Sanadka 2016-ka” ayuu yiri Gudoomiye Cabdi Cadow.

Si kastaba ha ahaatee, Xubnihii ka soo qayb galay kulankan ayaa waxaa aad uga hadleen isla markaana isdhaafsanayeen qaabka loo dooranayo xubnaha Baarlamaanka ka mid noqonaya 2016-ka iyagoo aad u muujinaayey oo aaraahadooda Beel ku yimaadaan isla markaana tiro cayiman oo Beeshiisa ah soo doorado xubinta ka mid noqoneysa Baarlamaanka.

Ugu Dambeyntii waxay aad u diidanaayeen in Baarlamaanka uu soo xulo Oday keliya taas oo ay ku tilmaameen Musuqmaasuq iyo Cadaaladaro.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

Idale News Online,Xafiiska Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here