Baydhabo(INO)- Munaasabad Ay Soo Qaban Qaabisay Daladda Yantaar education development association (YEDA) Ayaa Maanta Ka Dhacday Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Taa Oo Looga Hadlaayay Wax Qabadka Daladaasi Ee (YEDA).
Kullan Maanta Waxa Ka Qiib Galey Ganacsato iyo Weliba Culumaa’udiin
Magaca Daladda: Yantaar Education Development Association( YEDA)
Abaabulka horumarinta waxbarashada ee Yantaar
Taariikhda ururka oo kooban
Ururka yeda oo ay kumideysanyihiin dhammaan ardada Beesha yantareed meelwalba oo ay jogaan waxaa la aas aasay maalin jimca ah taariikhdu kubeegnayd 27/12/2013 mantana waa sanadguuradii seddexaad ka soo wareegatay tan iyo markii la aas aasay dalada yeda
In kamid ah guulaha u garay ururka
- Mideeyay dhammaan ardada walaalaha ee Beesha meelwalba oo ay joogan
- Ururka waxa uu lacagta iskuulka ka bixiyaa ardo aqoon ah
- U iibiyay ardo buugaagta manhajka school lada lagu dhigo
- Kabixiyaa ardo lacag xiliyda fasaxaga schoolada la isku soo daro lacagta 3 bilood dhibna kutahay ardada waalidiintooda la joogin inay iska bixiyaan, taas oo macquultahay in ardada waxbarashada ka go’do
- Kabixiyay ardo lacag shahaado loogu dheganaa
- Fuliyay aloolo waxbarasho mudo lix bilood ah kaamka idaale
- Fuliyay siminaaro aqoon kororsi ah ardada dhexdeeda
- Ukaalmeeyay dad xanuunsan oo daawo ka kala go’nayd
- Horumariyay arimaha bulshada kana qayb qatay tacsiyiyaasha reerka
- Sameeyey ururka astaan ugaar
- Isu keenay dhamaan bulshada reerka waa tan manta halkaan kukulansanahay
Hiigsiga ururka: Jaamacad iyo dugsi sare Idaale, dugsi hoose dhexe buuli fuur, koronbood , koban, baladul amin iyo dhammaan tuuliyasha kale sidoo kale kama marna isbitaalo, ceelal iyo waxwalba oo horumarinta bulshada ah
Arimaha nagu dhaliyay inaanu aas aasno ururkan : Si jiilka soo koraayo saa dambe uhelaan dad ay kudaydaan horseedka wadada wanaagsan
Baahida ururka: Xafiis iyo computer, jaamacad diwada iyo gudaha, barasho masuuliinta reerka iyo wadashaqayn toos ah layeeshaan ururkhelaan shaqo ardadii noo soo qalanjabisa
sharciyada ka Mid Noqashadda Ururka : 1.inuu yahay reerka 2.inuu yahay arday
Xuquuqda ardayga: Ardaywalba waxaa uu xaq uleeyahay sinnaan ardada dhaxdooda Afkaar dhiibasho isagoo rayigiis wanaagsan ku cabiraaya sidii loo horumarin lahaa reerka Hogaamin ama xil uqaban karo ardada hadii loo garto
Waxa ka reeban ururka: Siyaasad, musuqmaasuq, ismaandhaaf iyo waxwalba oo keeni kara khilaaf
Gadoomiyaha yeda;- cabdiraxmaan Ibraahim Yuusuf
Cinwaan;- yeda114@outlook.com /aiubaysom@gmail.com / facebook group yeda
Tell;- 00252615431255/0025261594033/00252616214800/00252616237848
Halkan Ka Daawo
Wariye Bishaar Xasan, Idale News Online, Baydhabo