Daawo: Dalka Soomaaliya Sanadka Soo Socda Doorasho Maka Dhici doonta?

0
225

Muqdisho(INO)-Dawladda Soomaaliya ayaa laga doonayaa in ay sannadka soo socda guud ahaan Soomaaliya gaarsiiso doorasho ka dhacda guud ahaanba dalka, taas oo laga doonayo in ay ka duwanaato kuwii dhacayay tan iyo burburkii dalka Soomaaliya.

Voters_in_line_to_vote_in_past_somali_elections

Qof kasta oo Soomaaliyeed ayaa ladoonayaa in uu codkiisa dhiibto, waxaana arrin ubaahan waqti dheer iyo hubin dheerad ah, laakiin dawladda Soomaaliya ayaa leh waan gaarsiin doonaa doorashadaas.

Xukuumada uu hogaaminayo Raysalwasaare Cumar oo hadeer ay haystaan caqabado dhanka amaanka ah ayaa laga doonayaa gaarsiinta dalka ee HIIGSIGA 2016-ka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa Muuqaalka soo socda ku dhiibanaya aragtidooda ku aadan Soomaaliya iyo sannadka soo socda doorasho maka dhacaysaa?.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here