Daawo: Dalalka Soomaaliya iyo Sudan oo heshiis iskaashi kala saxiixday

0
307

Khartuum(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Al-Bashiir, shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arko Soomaaliya oo si buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in labadooda dal ay tusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo amniga.

Dhinaca kale waxaa heshiis iskaashi magaalada Khartoum ku kala saxiixdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sudan.

xasan-albashir (1)xasan-albashir (2)xasan-albashir (3)

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here