Wasiirka Caafimaadka maamulka Puntland ayaa Weerar ku Qaaday Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe, Wuxuuna sheegay In halkaasi ay ka socdaan kulamo Lagu Afgambinayo maamulka C/wali gaas, wuxuuna sheegay inay wadaan Xubno ka tirsan maamulkii Faroole.
Dr. Saaciq Eenoow ayaa sidoo kale wuxuu sheegay In reerka Garoowe degan ka dhigan yihiin dadka Reer Baadiyaha ah oo markay dhergaan yoorey Isla dhaca, haddase siyaasad u bedelay dagaalkii noocaas ahaa.
Dhinaca kale Siyaasiyiin iyo Waxgaradka Kasoo jeeda magaalada Garoowe oo shir qabtay ayaa si kulul uga jawaabay hadalkaasi kasoo yeetay Wasiirka Caafimaadka Puntland, isagoo sidoo kale sheegay in aan looga hareynin oo ay guddiyo u xilsaareen si gunta hadalkaas looga meel gaaro ayey yiraahdeen wargaradkii shirkaasi ku qabtey magaalada Garoowe.
Mid kamida Odayaasha goobta ka hadlay Ayaa sheegay inay reer Gawoowe yihiin dad nabadeed, gundhigna u ah dhismaha Maamulka Puntland.
Idale News Online, Puntland