Daawo: Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka KGS Oo Hub Looga Qiibiyey Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Bay

0
682

Qansaxdheere(INO)-Wefdigan Maanta gaarey degmada qansaxdheere ee gobalka bay waxaa hogaaminayey wasiirka wasaarada hubka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka koonfur galbeed mudane xasan xuseen maxamed (xasan eeley) Waxaan sidoo kale qeeyb ka ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka koonfur galbeed maxamed nuur maxamed  iyo taliyaha ciidamada gaarka ah ee koonfur galbeed iyo xubno kale.

Wefdigaan markii ay gaaren degmada qansaxdheere waxa garoonka degmada ku soo dhoweyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada qansaxdheere ee gobalka bay taliyaasha ciidamada xooga dalka soomaliya iyo kuwa midowga africa amisom ee degmada.

Waxaana soo dhoweyn ka dib loo galbiyeey xaruunta ciidmada gaarka ah ee booliska degmada qansxdhere iyagoona halkaasi ciidinka cusub ee degmada qansaxdhere ay ugu qeybiyeen hub nocyahooda kala duwan.

Qeybitaankaasi ka dib waxaa  ciidinka hanbalyo u direy gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka koonfur galbeed maxamed nuur maxamed macalim

“waxaan u baahanahey ciidin daacad oo u shaqeeya dadka diinta iyo shacabka soomaliyeed maadaama shacabka soomaliyeed ay yihiin kuwa daalan oo loo baahanyahey in la neebsiyo oo loo nasteexeeyo “waxa sidaasi yiri gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka koonfur galbeed

taliyaha ciidamada booliska koonfur galbeed maxamed sh. ayaa ciidinka Iska amar qaataan kana sifeeyaan deeganada qansaxdheere alshabaab

“Deegaanada ku dhow dhow qansaxdheere waxaa laga doonayaa in laga sifeeyo Ururka Al-shabab Idinkuna waxaa la idin ka doonayaa in aad alshabaab ka sifeysaan deegaanada ku dhow degmada qansaxdheere ee gobalka bay” Ayu yiri Taliyaha ciidamada gaarka ah ee koonfur galbeed

wasiirka ayaa sidoo kale ciidinka kula dardaarmey in ay iska kaashadan la dagaalanaka argagaxisada UGUS sidii loogu ciribtiri lahaa ururka alshabaab

“Nabad la’aan waa Nolol la’aaan waxaa la doonayaa in marka hore la helo ciidin si loo helo nabad iyo amni maadaama shacabkeena soomaaliyeed ay soo mareen marxalado kala duwan haatan loo baahanyahey in laga saaro dhibaatadaasi oo ay haatan ka harsan waxyar” ayuu yiri wasiirka wasaarada hubka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka koonfur galbeed xasan xuseen maxamed Xasan Eelaay.

Degmooyinka gobalada bay iyo bakool ayaa waxa la doonayaa in la isku furo wadooyinka soo gala maadaama haatan ay yihiin kuwo u go’doonsan ururka alshabaab

 

0102030403060708

10

Wariye Maxamud ibrahim Timacade