Daawo: Cutubyo ciidanka Itoobiya oo xirtay astaantii AMISOM oo gobolada Bay, Bakool iyo Gedo si rasmi ah amaankooda ula wareegay

0
179


Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in si rasmi ah oo maanta oo Arabaca ah ay ugu bireen Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM si ay ugu qayb qataan dagaalka ka dhanka ah Xarakada AL-Shabaab ee Soomaaliya ay ka wadaan Midowga Africa sida Saraakiil aan Magacooda la sheegin ay xaqiijiyeen .

Ku biritaanka ay Ethiopia ku biirtay Ciidamada AMISOM waxa ay soo da dajin karaa Dagaalo muda la sugayay oo lagu qaado Deegaanada koonfurta Soomaaliya oo wali gacanta ugu jira Shabaab sida degaano ku yaala Goballada Shabelle Hoose Shabellaha dhexe .

Ciidmadan Ethiopia ee Howlgalka Amisom Soomaaliya ku soo biiray aya waxa ay noqonayaan Guuratadi Lixaad ee Ciidamado ah oo ka kala socda wadamada Midowga Africa oo Soomaaliya ku sugan.
itobiyaAMISOM5

itobiyaAMISOM3

itobiyaAMISOM2

itobiyaAMISOM1

itobiyaAMISOM0

Ethiopia aya la filayaa in Ciidamo Sadex guurta ah ay ku soo biriyaan Ciidamada AMISOM iyadoo laga dalbaday in dowlada Ethiopia in Ciidamo gaaraya 2,000 oo askari ay ku soo biiriso AMISOM, lakiin si rasmi ah looma oga inta ay la egyihiin Ciidamada Ethiopia ay howlgalka Amisom ku soo biirin doonto.

Sanadii tagtay ee 2013 ayaa Qaramada Midoobay waxa ay ogolaatay in ciidamada Amisom ee Soomaaliya ku sugan la garsiiyo ku dhawaad 22,000 oo askari si ay tageero Milatari u siyaan Dowlada Federaalka Soomaliya.

Ciidamada Ethiopia ayaa hada ku sugan Goballo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan iyadoo aan ku joogin Soomaliya ogolaanshaha Qaramada Midoobay.

Ciidamada Ethiopia ayaa soo galay sanadii 2006 si ay uridaan Xukunkii Maxkamadaha Shareecada Islaamka oo ay u arkayeen in ay Qatar ku tahay jiritaanka Ethiopia, sanada kadib ayay Ethiopia ciidamadeeda kala baxday dalka Soomaliya ,waxa ayna mar kale Ethiopia ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya sanadii 2011 si ay ula dagalamaan Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Idale News Online