Baydhabo(INO)-Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxa ay tababar uga fureen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ciidamo cusub oo dhowaan lasoo qoray kuwaasoo loo tababarayo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee saddexda gobol.
Ciidamadaan oo ay tiradoodu gaarayso 600 askari oo boolis ah ayaa waxa uu tababarkoodu soconayaa mudo 9 bilood ah ayada oo 3dii saddexdii bilba la tababarayo 200 laba boqol askari oo boolis ah kuwaasoo loo tababarayo maamul goboleedka Koonfur Galbeed si ay uga qayb qaataan sugida amaanka goobihii laga qabsaday Xarakada Alshabaab.
Ciidankaan booliska ah ayaa waxa ay qaadan doonaan tababaro kala duwan sida la macaamilida bulshada, adkeynta amaanka iyo weliba isdifaacida shakhsi ahaaneed ayada oo ay sidoo kale haween kamid yihiin ciidamada cusub ee la tababarayo.
Marka lagasoo tago ciidamada booliska ah ee loo tababarayo maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Baidoa Media Centre ogaatay inuu jiro qorshe la doonayo in ciidamo ilaa 10 000 toban kun ah ay tababarato dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si ay wax uga qabtaan amaanka deegaanada hoos yimaado maamulka Koonfur Galbeed oo ay hada qaybo kamid ah dadka ka cawdaan jidgooyooyin u yaala ciidamo beeleedyo wato magaca dowlada federaalka Soomaaliya kuwaasoo dhibaateeyo gaadiidka iyo dadka iskaga kala gooshayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo gobolada Shabeelada hoose iyo qaybo kamid ah xaduuda Bay iyo Shabeelada hoose.
Halkan Ka Daawo
i
i