Biljin(INO)Sirdoonka Ciidamada dalka Belguim-ka ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Mohamed Abrini oo ah ninkii sida weyn loo doon doonayay kaas oo lagu tuumayay qaraxyadii lagu qaaday magaalooyinka Paris iyo Brussels.
Ciidamada Dharcadka ee Dalka Biljin ayaa ninkaan qabashadiisa u soo watay Gaari Taxsi ah , waxaana lagu hor gooyay gaari ay wateen Mohamed Abrini iyo rag kale oo baxsad ahaa kuwaas oo waqti fara badan laga baadi goobayay wadamo badan oo ku yaala Qaarada Yurub.
Mohamed Abrini ayaa Ciidamada Sirdoonka Dalka Biljin ku dabajoogay in mudo ah, waxaana inta badan laga baadi goobayay dhamaan Wadamada Qaarada Yurub.
Sirdoonka Dalka Biljin ayaa ugu danbayn ku guulaystay qabashada Mohamed Abrini oo ahaa ninkii Qaraxyada ka gaystay Dalalka Biljin iyo France.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baljam