Baydhabo(INO)-Taariikhdu markay ahayd 16-ka Feb, 2015-ka ayaa waxaa ka bilowday Garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayub Horyaalka Ciyaaraha Dugsiyada Sare Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Furitaanka Tartanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan ka kala socday baxda Sports-ka Ee Gobolka Bay, Wasiiro ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maamuliyaasha Iskuulada, mas’uuliyiinta Jaamacadda Bay iyo Dad weyne fara badan.
Mas’uuliyiintii ka hadlay furitaanka horyaalka Ciyaaraha Dugsiyada Sare Ee Baydhabo waxaa ay sheegeen in jaamacadda Bay aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay ciyaaro qabato, iyagoona kula dardaaramay ciyaartoyda inay soo bandhigaan cayaaro wanaagsan oo ay ku dheehan yihiin aqoon iyo anshax.
Cayaatii Ugu horeysey waxay dhexmartey Dugsiyada Al-qalam iyo Al-Bashaa’ir, waxayna guushu ay racdey Iskuulka Bashaa’ir oo ku badiyey 1-0.
Shaley Waxaa Cayaar Xiiso badan ay Dhexmartey Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Macmuur(ONE) iyo weliba Iskuulka Baydhabo, waxayna ciyaartaasi kusoo idlaatay, Isla markaana Guushu ay Racdey Dugsiga Macmuur Ee Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso Codka Wasiirka Waxbarashada Dowlada KG Soomaaliya Saadaad Maxamed Caliyow oo ka hadley Muhiimada SPORTS-KA
Sidoo kale Waxaa maanta Ciyaari doonaa Iskuuladda Salaaxudin iyo Baidoa Model School(BMS).
Ugu Dambeyntii, Sanadkii Hore ayey ahayd ka dib markii Jaamacada Bay, ay soo qaban qaabisey tartan ciyaareedka Dugsiyada sare ee Baydhabo, isla markaana ay ugu gul lahayd is dhexgalka bulshada iyo isbarashada Ardeyda Gobolka Bay, sidoo kalena Koobku uu ku guuleystey Iskuulka Macmuur(ONE) Oo Ka mid ah iskuulada Ka jira Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Daawo.
Mukhtaar Maxamed Guuleed, Idale News Online, Baydhabo.