Daawo Cadeymo: Musuq Maasuqii Ugu Xumaa Oo Lagu Sameeyey Ergadii Beesha Bagadi.

0
274

Baydhabo(INO)- Wasiir dowlaha arimaha dibada Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay in magaalada Baydhabo doorashada ka dhacday ay aheyd mid lagu qaatay kursigiisa isaga oo jooga.

Wasiiru dowlaha, wuxuu sheegay in magaciisa looga been abuuray doorashada Baydhabo dadka codeeyayna ay ahaayeen dad meelo kala duwan laga keenay oo Ugaaska beeshiisa uusan gudbin.

Khaalid, wuxuu sheegay in isaga oo sugaya inuu tartamo uu ka warhelay kursigiisa oo uu qof kale u tartamayo, taasi oo la yaab ku noqotay.

“Dadka codeeyay ma aheyn dadki Ugaaska uu qoray, dadka ugaaska uu qoreyna Xamar ayay joogaan, oo Baydhabo maba joogaan, sababtoo ah ergadii saxda aheyd lama qaadin”ayuu yiri wasiiru dowlaha arimaha dibada.

“Ergadii saxda aheyd markii la rabay in Xamar laga qaado amar ayaa lasoo rogay, Koofur Galbeed ayaa soo rogay oo ahaa in diyaaradaasi aysan Baydhabo ka dagi Karin,waliba waxaa loogu hanjabay in Laysan laga qaadayo”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wasiirka ayaa eedeyn u jeediyay gudiga doorashada heer Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo sheegay in dhex dhexaad aysan ka aheyn doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Cabashooyin badan ayaa sanadkaan ka yimid doorashada Dadban ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya, waxaana doorashadaan ay tahay mid ka duwan tii sanadkii 2012.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay inuu dacwadiisa u gudbin doono cidda ay quseyso uuna soo bandhigi doono cadeymaha uu hayo ee ku aadan in musuq maasuq lagu sameeyay ergooyinkii saxda ahaa.

Halkan Ka Daawo VIDEO