Baydhabo(INO)- Beryahan dambe Qurbojoogta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee ku Nool 5ta Qaaradood Ee Aduunka ayaa waxay Dhinac Dhaqaalle ay ku caawiyeen Bukaanadda Ku jira Cusbitaalka weyn ee Degmada Baydhabo.
Maanta ayaa Haweenka Ka Tirsan Jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Canada gaar ahaam magaalada Toronto waxay Deeq lacag ah Gaarsisey Bukaanka Cusbitaalka Magaalada.
Lacagtan Maanta la gaarsiiyey Bukaanada Ayaa waxay Gaareysey $600 isla markaana Waxaa ka mahad celiyey Agaasimaha Guud Ee Isbitaalka Gobalka Bay Cabdifataax Ibraahim Xaashi Gaaboow , iyadoo lacagtaasi loo soo wakiishey Maxamed Maye Mursal (Diideey) lacagtaasi waxaa soo dhiibey Xabiibo Macalin iyo Cote Cusmaan.
Si kastaba ha ahaatee,Todobaadkan Gudahiisa ayaa waxaa isbitaalka lasoo gaarsiiyey lacago kala duwan , Joodariyaal iyo Daawooyin laga keeney wadanka Dibadiisa .
Ugu dambeytii, Cusbitaalka Weyn Ee Degmada Baydhabo ayaa waxa iminka jiifa Bukaano gaaraya 87, kuwaso qaba Dhaawacyo kala duwan , waxaa kaloo jira qaybo kale oo ay jiifaan Bukaan La il daran cudurka shubun biyoodka kuwaasoo caruur u badan.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo