Diinsoor(INO)- Wefdi ka Socda Dowlada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay maanta gaareen Degmada Diinsoor ee
gobolka Bay halkaasoo boqolaal ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya loogu qaybiyay
hub iyo saanad ciidan.
Wefdiga ayaa waxaa hor kacayay wasiirka hub ka dhigista. dhaqancelinta iyo tababarida
maleeshiyooyinka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen (Eelay) waxaana ka mid ahaa
wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Cabdi, taliye kuxigeenka
Daraawiishta Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracase iyo weliba gudoomiye kuxigeenka
Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamada hubka loo qaybiyay ayaa ay tiradoodu dhamayd 400 waxa ayna qayb ka yihiin
ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayada oo ay wasiiradu ku booriyeen inay ka
qayb qaataan isku furka wadooyinka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay dhowaanahaanba hub u qaybinaysay ciidamo tiro badan oo Degmooyinka Gobolada Koonfur Galbeed tababar ku dhameystay ayada oo qorshaha xiga uu yahay sidil ay ciidamadani u howigali lahaayeen gobolka Shabeelada Hoose oo llaa lyo hada 200 boolis ah loo tababarayna ciidamada Booliska gaarka ah loogu tababari lahaa degmooyinkiisa kala Duwan.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Diinsoor