Berdaale(INO)- Waxa maanta Degmada Berdaale Ee gobolka Bay loogu soo xirey tababar ciidamado daraawiishta KOonfur Galbeed soomaaliya kamid ah oo in muda ahba tababar ooga socdey degmadaas.
Munaasabada Soo Xiritaanka Tababarka Waxa ka qiib galey Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Hub ka dhigista dhaqan Celinta iyo tababaradda maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed( Xasan Eelaay), Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshadda Xasan Cabdi Maxamed iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay, C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale.
Idale News Online, Berdaale