Baydhabo(INO)-Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ansaxiyey Sharci Lagu hagayo Hay’adaha iyo NGO-yada Ka Howlgala Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaasoo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Calaamiga Ee KGS, isla markaana dhan kale Baarlamanku waxay Falanqeeyeen Xaalaha Bini’aadanimada Ee Ka jira KGS gaar ahaan waxa aad ah looga hadley Xalaadaha ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan Ka barakacey Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool.
Markii Kaldhiga Soo idlaadey waxa shir Jaraa’id qabtey Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye isagoona faah faahiyey Nooca oo ahaa Sharciga Maanta ay meel mariyeen Munayaasha Baalamanka KGS.
” Waxa Maanta Baarlamaka KGS ay la meel mariyeen Shaciga NGO-yada Ee KGS, kal fadhigU waxa soo xaadirey 81 Mudane, waxaa aqbaley 73 Mudane ” ayuu yiri Gudoomiye C/qaadir ShariIF Sheekhuna Maye.
Sidoo kale gudoomiyaha BKGS waxa uu Baaq U direy Hay’ada Samafalka iyo Qurbo Joogta Degaanada KGS oo ku aadan in ay u soo Gurmadaan Dad badan oo ka barakcey Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool kuwaasoo intooda badan ay gaareen Magaadal Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.
” Waxaan Baaq u diraya Hay’ada Caalamiga ah ee ka Howlgala Soomaaliya, DFS iyo Qurbo joogta Soomaaliyeed inay gurmad la soo gaaraan Dadkii ka barakcey Degmada Tiyeeglow Kuwaasoo ay hayto Dafuuro adag ” ayuu yiri Mar kale Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.