Baydhabo(INO)-Wararka ka Imaanaya Deegaano Ka tirsan Gobolka Bay, ayaa sheegaya in Halkaas ay ka Taagantahay Xaalad Biyo La’aan ah oo aad u daran.
Tuulada Abeeso Garwaale iyo Deegaano ka agdhow ayaa la sheegayaa in aysan Dadku helin Muddo Todobaadyo ah biyo ay Cabaan, 25 Km ayuu deegaankaasi u Jiraa Degmada Baydhabo ee Gobolkaas.
Biyo La’aantaas ayey dadka Deegaanku Idale News Online & Radio Idale u sheegeen in ay isu Bedeli karto Xaalad Bani’adamnimo oo Halis Badan, maadaama aysan Dadka Deegaanku heli karin Gargaar Waddooyinkii loo Marsiin lahaa oo Go’doonsan.
Proff. Idiris Cabdi Takhtar oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaamacada UPPER JUBBA Ee Baydhabo ayaa u kuur galey qiimeynta Biyo la’aan ka tagaan degaano ka tirsan koonfur galbeed soomaaliya, waxana uu sheegey in ishiisu ku soo arkey, qoysas badan oo tabaaleysan isla markaana wajiyadooda la dheehan karo, dhibaatada ay u qabaan biyaha, sidoo kalena ka muuqato daal daran.
Dhibaatada Biya la’aanta oo Mar waliba lasoo Gudbooonaato Beeraleyda Degan gobalka Bay , Kadib markey Guraan Waraha ay isticmaalaan , isla markaana mahaeystaan Ceelal riig ah .
Fadumo Xasan ayaa u sheegtey warbaahinta Idale News Online& Radio Idale in ay mar waliba ka qaxaan tuulada Abees Garwale , sababta oo ah biyo hadii la waayo nolal majirto.
Waxayna Bulshada Degaanadaasi baaq ay u direen maamulka Gobolka Bay , DFS, Hay’adaha samafalka iyo weliba Qurbo joogta Koonfur Galbeed soomaaliya in ay ka caawiyaan Biya la’aan haysta isla markaana si deg deg ah inay biyo ay u soo Gaarsiiyaan Caruurta iyo Haweenka biyo la’aan kaga cararayo deegaanadooda Sida Buurhakabo iyo dhamaan deegaanada Gobalka Baay ee ugu waxsoosaarka Badan .
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo