Muqdisho(INO)-Kullan aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka Culu’maaudiinka, odayaasha, aqoonyaahanad, Haweenka beesha shanta caleemo ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho, kullankan oo ujeedkiisu ahaa Cabasho oo loogu cabanayay xadgudubyo ba,an oo lagu hayo gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan degmaddda Wanle Wayn isla markaana Shirka waxaa laga soo saaray qodobadan:–
Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Shirka.
- Ugu horayn waxaan canbaaraynaynaa dhibaatooyinka soolaalaabtay ee kajira gobolka shabeelaha hoose guud ahaan gaar ahaan Degmadda wanlaweyn iyo deegaanadda hoos yimaada.
- Beelaha ku abtirsada shanta caleemood waxay cabasho kamuujinayaan ciidamo Xiran dharka dowladda federalka ah ee soomalia kuwaasoo caadaystay in ay gaystaan xadgudubyo kadhan ah xuquuqda aadanaha iyo dhaqankeena suuban ee islaamka sida dilal,dhac,kufsi iyo boob hantiyeed hadaba waxay beelaha codsanayaan in dowladda federalka ah arinkaa ay wax kaqabato.
- Ciidan Dawladeed micnaheedu waa ciidan qaran taasoo kulansanaysa dhamaan in ay qayb kanoqdaan umadda soomaaliyeed Hadaba ciidamo kasoojeeda halbeel sheeganayana ciidan qaran islamarkaana wax yeelaynaya shacabka deegaanka ay joogaan Sidaa darteed waxaa lagamamaarmaan ah in lahelo ciidan qaran oo iskudhaf ah kaasoo matali kara shacabka deegaanka.
- Dowladda koonfur galbeed waxaan ku amraynaa in ay wax kaqabato isbaarooyinka ama jidgooyooyinka yaalla Mukayga Afgooye illaa iyo Jameecada km ahaan waa 90km waxaana taala illaa iyo 100 isbaaro kudhowaad taasoo micneheedu yahay 1KM/1Isbaaro ama kabadan kuwaas oo dhamaantood dadka deegaanka lagu wax yeeleeyo sababayna sicirbarar, amni xumo IWM.
- In xalwaara loohelo dhibaatooyinka iyo tacadiyada soolaalaabtay oo ay ciidamada huwan magaca dowladda ay kuhayaan beelaha shanta caleemood.
- In si’dag dag ah cadaaladda loohor keeno gacan kudhiiglayaashii dilalka iyo dhaawacayad arxan daradda ah kagaystay deganka balow ee kobolka shabelada hoose taariiqdu markeey eheeyd 22/7/2015 ayadoo dilkii ugu danbeeyayna uu ahaa kiikadhacay isla gobolka gaar ahaan Degmada wanlaweyn taariikhdu markay ahayd 27/07/2015.
- Hadaba waxaan baaq udiraynaa dhamaan golayaasha kaladuwan ee dowladda in ay arinkaan wax kaqabtaan khaasatan Wasaaradda Gaashaandhiga,Amniga Qaranka,Arimaha Gudaha, Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo hay,adaha kale ay khusayso Sida ugu dhaqsaha badan hadii kale Shacabku waxay qaadayaan talaabo Sharciga waafaqsan oo ay isgadifaacayaan cadowga weerarka ku’ah Daganaanshahooda.
- Ugudanbayn waxaan ugu baaqaynaa dowlad goboleedka koonfur galbeed in ay gudato waajibaadka kasaaran shacabkeeda waxna kaqabto Arimaha murugsan ee gobolka Shabeelada Hoose.
Waxaa kusaxiixan Suldaanka Guud Ee Beelaha Shanta Caleemood
Suldaan Sulayman iikow Cabdi Nuur
Idale News Online, Muqdisho