Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, dadka degan ayaa waxay Aqoon yahanada Bartey Culuumta Beeraha ay sheegeen in ay ku filan tahay qudaarta ay soo saaraan beeraleyda Degmadaasi, Sababta Oo Ah Ku dhawaad 320 Beero Qudaar ah ayaa ku yaala agagaarka Gerbada ilaa Toga Aboosharow.
Dhinaca kale inta u dhaxeyso Xaafadaha Bukriyey ilaa Wegara ayaa waxaa kuyaala beero waaweyn ee Qudaarta iyo Geed Miroodka.
Baydhabo beeraha ku yaala siiba Basasha kabaxda ayaa la bilaabey in loo dhoofiyaa Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.
Beerta iskaashatada Cali Marguus ee Aboosharow Todabaadkii lasoo dhaafey waxuu xamar geeyey Basal aad u tira badan , taasoo ah aarin hormar leh, dhulkan Barwaaqada ah ee Baydhabo Janaay.
Halkan Ka Daawo.