Daawo: Beelaha Hawiye oo baaq u direy gogalna u fidiyey Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee lagu dulmay magaalooyinka Baydhabo & Kismaayo

0
223

Mogadishu (INO) -Kulan ay isugu  yimaadeen dhaqanka & waxgaradka beelaha Hawiye laguna diidanaa dulmiga iyo musuqmaasuqa doorashooyinka dalka ka jira ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho. Kulankaan ayaa lagu soo hadal qaadey dhamaan kadeedka iyo fool xumada aan loo dulqaadan karin ee ka jira goobaha doorashooyinka ka dhacayaan, sidoo kalena waxay ugu baaqeen dhamaan waxgaradka & duqowda dhaqanka in ay ka soo qeyb galaan gogol & wadatashi si dalka laga badbaadiyo fowdada siyaasadeed ee Villa Somalia & Baydhabo ka socota, meelna ay uga soo wada jeestaan dadka ay ku tilmaameen in ay yihiin cadow u adeegaaya danahooda gaarka ah.

 

 


Duqowda dhaqanka & Waxgaradka Hawiye oo ka hadlaayey tacadiyada foosha xun oo aan dal iyo diinta aan u wanaagsaneyn oo ay ku kaceen masuuliyiinta jooga Villa Somalia, Baydhabo iyo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in waxa dhacaaya aysan aheyn doorasho balse yihiin daandaansi iyo hurin colaad la dhex dhigo beelaha gudahooda, sidaasi darteedna ay kaga hortagayaan kacdoon dadweyne.

Isku soo wada duub, Shaki kuma jiro in beelaha ka careysan qaabka doorashada uga dhaceyso dalka  ay ka qeyb galayaan gogosha iyo wadatashiga loogu baaqey, waxaana loo badinayaa in lagu baaqo kacdoon shacbi iyo isbaheysi looga soo horjeedo  nidaamyada magaalooyinkaas ka jira. Sidoo kalena taageero dhaqaale loogu helo ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee Booliiska & Militariga oo aan iyagu la siinin waxa xuquuq ah in ka badan 9 bilood, beel beelna loola kulmo si aysan maamuladaasi ugu adeegsan in ay kaga hortagaan kacdoonka.

Idale News ONline, Mogadishu, Somalia