Daawo: Baydhabo Oo Maanta Si Weyn Looga Xusey Maalinta 6th June Ee Halgankii Jabhadii Wax Iska Caabinta Raxanweyn Ee RRA

0
326

Baydhabo(INO)-Xaflada lagu soo bandhigayTariikhdii RRA iyo Halgankii ay ku xureeyeen Gobalada Koonfurred ayaa maanta waxaa lagu qabtey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

iyadoo aysan kasoo qayb galin Maamulada kajira Gobalka iyo Kan Degmada ayaa waxaa kasoo qaybgaley Halgamayaasha RRA iyo Aqoonyahanada Gobalka Baay , Goobtaas ayaa waxaa lagu soo bandhigey Dagaaladii ay soo Mareen Jabhadii RRA .

Goobtaasi ayaa waxaa ka hadley Siyaasiga layiraahdo Maxamed Aadan Qalinle oo ahaan Jirey Afhayeenka RRA iyo Cabdukhaadir Berde iyo Xubno katirsan Madaxda RRA sida Bayaadir Sheekh, Albaro iyo Yuusuf Kheyre Guuroow.

Maanta ayaa waxaa lasoo Bandhigey Filimo kasheekeenaya Halgankii RRA iyo xasuuqii shacabka loo geestey , taasoo sawiro muujinayo dhibaatadii , dilkii , iyo kufsigii ay geeysteen Ciidamada Salbalaar ee Caydiid iyo wiilkiisa ay ugeysteen shacabka koonfurta Soomaaliaya Shacabka Magaalada ayaa maanta waxaa isug yimaadeen Bartamaha Magaalada iyo ka qayb galayey Sanadguuradii Halgankii RRA , Gebagebadii ayaa loogu duceeyey Dadkii halgankii RRA ku dhintey.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here