Daawo: Barlamaanka Turkiga oo mar kale gacmaha isula tagey ka dib markii la soo celiyey sharcigii…

0
313

Barlamaanka Turkiga oo dood aad u qaraar markii 2aad ka yeeshay sharci la doonaayey in xildhibaanada la tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin kooxda PKK ama baaritaan kale oo hoose (under investigation) ku socdo laga qaaadi karo xanaasada ay leeyihiin ayaa sababay dagaal miisaska la isu fuuley iyo tuuryo waxii la helo karo oo miisaska saarnaa.

Inkastoo lagu dagaalamey, dhalooyinkii biyahana la isla dhacey ayaa haddana guddiyada uu ka kooban yahay barlamaanka Turkiga waxay meel mariyeen soo jeedintii xisbiga talada haaya ee AK party ‘Xanaasad ka qaadista xildhibaanka la tuhmo ama baaris ku socoto”.

Sharcigaan wax looga bedelaayo dastuurka Turkiga ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku eedeeyey xisbiyada teegeera dadka Kurdida ah ee People’s Democratic Party iyo HDP isla markaasna sheegay in ay taageero moral iyo mid macnawi ah siiyaan kooxda dowlada la dagaalanta ee PKK.

Soo jeedintaan uu guddiyada barlamaanku Turkiga meel mariyey ayaa waxay aad uga careysiiyey xildhibaanada Kurdiyiinta oo iyagu u arka in si gaar ah loogu bartilmaameedsanaayo, waxayna dhamaantood ka dareemeen hoolka shirka marka laga reebo hal xildhibaan oo dhaawac culus ka soo gaarey gacan ka hadalkii goobta ka dhacey.

Go’aanka guddiyada barlamaanku Turkiga qaatey ayaa weli waxuu u baahan yahay inuu helo codka aqlabiyadda barlamaanka Turkiga oo ka kooban 650 xildhibaan si sharci uu u noqdo, waxaana kulankaasi loo balansan yahay inuu dhaco bisha May 18keeda. Lama oga in barlamaanku meel marin doono iyo in kale hase ahaatee sharcigaan ayaa u baahan inuu loo helo cod aqlabiyad ah oo ka badan 3/2 ama 3 meelood labo meel.

Idale News Online, Ankara, Turkey