Afgooye(INO)- Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose waxa ka dhacay Dibad bax ballaaran oo looga soo horjeeday Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka dibad baxa dhigayey ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Ereyo ay kaga soo horjeedaan Koonfur galbeed Soomaaliya, waxayna socod dheer ku soo mareen wadooyinka kala duwan ee Magaalada.
Qaar ka mid ah dadkii banaanbaxa soo abaabulay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Kalsoonida kala laabteen Koonfur Galbeed ee Somalia.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Afgooye