Ilaahey Naxariistii Jano ha siiyee, Marxuum Saado Cali Warsame, oo aheyd xildhibaanad qaran, lagu xasuusto taariikh facweyn oo dhanka suugaanta ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho, hoteelkii ay degnedy hortiisa, kaasoo ku yaala faras magaalaha magaalada muqdisho. AUN Marxuum Saado ayaa lagu xasuustaa riwaayadii Laancruser ee dowladii Militeriga aheyd ee Siyaad Bare oo Somalida inteeda badan ay Madaxweynahii hore ee Siyaad Barrre hortiisa ku dhiiran waayeen inay siyaasad xumada dowladiisa ka sheegaan balse Saado Cali Warsame ay u bareertey xabis iyo ciqaab culus si ay regimkaas runta ugu sheegto.
Si la mid ah ayey waxay heesta Shabeele Maxaa ku dhumay ay ugu bareertay iney dowlada Xasan Sheikh ay dareensiiso iney wax ka qabato, taasoo ay si bareer ah loogu dilay meel ciidamada dowlada iyo nabad sugida dalka oo dhan ka dhmaayeen, si sahlan sheegada loo yiri Alshabaab ayaa ka dambeeyey, taasoo caado ka ah dilalka qorsheysan in sidaas loo dhigo.
Bal nala daawo heestii ay ka aliftay Shabeelaha Hoose iyo Farshaxanka Amin Caamir oo isugu lahaa soo saaraha heesta

Idale News Online