Baydhabo(INO)-Ardeyda Iskuulka Al-Macmuur Ee Baydhabo Janaay isla markaana ah kuwa Fasalada Ugu dambeeya Dugsiyada Dhexe iyo Sare ayaa U soo geba-gaboobey, Imtixaankii Sanad Dugiyeedka 2014/2015.
Ardeydan ayaa hadda ku jira fasaxa Guud Ee iskuulka iyagoona dhawaan rajeynaya inay helaan Natiijadooda Imtixaanka Maamlinta 11/06/2015, isla markaana waxa dib loo furi doona Iskuulka,25/07/2015 ee sanadkan gudahiisa.
Ardeydan ayaa la filaya inay sii wataan, Tacliinta Sare isla markaana,waxaa jiro tallooyin, Tusalooyin yo weliba Tilaamooyin la siinaayo Ardeyda iskuulka Al-Macmuur ee Dhameysatey Dugsiga Sare taasoo ku aadan inay ku sii biiraan Jaamacaddaha Ku Yaala Gudaha Dalka iyo weliba dalalka dibadiisa, oo aysan Joojinin waxbarashadda sare.
Sikastaba ha haatee, Waxbarashadu waa furaha Noolosha waxaana Aqoon la’aantu tahay Iftiin la’aan, isla markaana, Iskuulka Al-macmuur ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah iskuulada ugu tayada ruun ee Baydhabo isla markaana waxa wax ka dhigaa Macalimiin, khibrad iyo waayo aragnimo u leh Macalinimadda.
Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhabo ayaa Ka jira iskuulo badan kuwaasoo ku soo kordhey sanadahan dambe isla markaana waxa ku yaalla 4 jaamacadood oo Magaaladaasi ka Shaqeeya.
Halkan Ka Daawo.
Makhtaar Maxamed Guuleed, Idale News Online, Baydhabo