Baydhabo(INO)- Ardeydaan wax ka barta Jaamacadda Jubbadda Sare Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maanta u fadhiista Imtaxaanka sanad waxbarasheedka 2015-2016 kuwaasi oo isugu jira kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda ay baxiso oo ah Toddobo Kuliyadood.
Qaar ka mid ah ardeyda oo u fadhiya y imtaxaanka Midterm –ka ah Ee Spring Semesterka ayaa maanta muujiyey Dareenkooda Ku aadan Imtixaan.
Dr. Xasan ismacil Baasha Madaxda Waxbarashadda Jaamacadda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa warbaahinta faafahin ka siyay imtaxaanka ardeydan u fadhiistay iyo tiradooda, isla markaana guul u rajeyay ardeyda imtaxaanka galeysa.
“Imtixaankaasi ayaa maanta ka bilaawday xarumaha Jaamacadda Jubbada Sare ee magaalada Baydhabo, intaxaankaasi waxaa u fadhiistay dhamaan ardeyda Jaamacadda kuliyadaha kala duwan dhigta, gaar ahaan Lix kuliyadoood, 8da bisha ilaa iyi 13-ka bishan oo ku eg maalinta Arbacdda ayuu socan doonaa, Ardeyda Jaamacada Jubbada Sare si guud wan ugu hambalyeenayaa” ayuu yiri Dr Xasan Ismacil Basahaa.
Halkan Ka Daaawo Sawiradda Imtixaan U fariisatey.
Idale News Online, Baydhabo