Baydhabo(INO)— Ardayda Jaamacadda Jubada Sare Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa maanta u fariistay imtixaankii labadii ee simisterka Labaad ee sanad waxbarashadeedka 2015/2016.
Imtixaankan ayaa ka bilawday Howlka Jaamacadda Jubbada Sare Ee magaalada Baydhabo iyadoo ardayda imtixaanka u fariisatay wajiyadooda laga dheehan karayay dadaal iyo diyaar garow ku aadan imtixaanka.
Dr. Xasan Ismaciil Bashaa oo ah Madaxa Waxbarashadda Ee Jaamacadda oo la Hadley warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhamaan ardayda ufadhida imtixaanka iyo waalidka soomaaliyeed kalsoonida ay siiyeen jaamacada Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo isagoo tilmaamay in kaalinta Jaamacada Jubbada Sare ay leedahayna ee dhanka waxbarashada ay kasoo bixi doonto.
Imtixaankan waxuu soconayaa ilaa 12/ June/2016, subax iyo galab, Kuliyadaha imtixaanka galaya waa 7 kuliyadood oo kala ah, Kuliyahada Veterinary Medicine, Kuliyadda Agriculture, Kuliyadda Computer Science, Kuliyadda Public Health, Kuliyadda Nursing , Kuliyadda Education-ka iyo weliba Kuliyadda Shareecadda Islaamka.
Jaamacadda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo oo kamid ah Jaamacaddaha ugu firfircoon Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Isla markaana waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu tayeysan ee Ka jira Magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyntiim Jaamacadda Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo waxayna xubin muhiim ka tahay ururo iyo Jaamacado Caalami ah waxayna tababaro dheeraad ah ay siisa Bulshada Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo Sawirada.
Idale News Online, Baydhabo