Daawo: AMISOM oo lagu Banaanbaxay

0
189

Muqdisho(INO)- Shacab maanta ku dabaaldegayay magaalada Muqdisho ee ku faraxsanaa doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxa ay halmar ku jeensteen ciidamada Amisom oo marayay goobtaasi, waxaana shacbkaasi ay halmar bilaabeen inay ku qaylinayeen ereyada ah (Doonimayno AMISOM) iyo ereyo kale.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa sheegay inay dooneynaan in la dhiso ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee aan loo baahnayn ciidamada Amisom, sidaasi waxaa ku dhawaaqayay Dadkii ku dabaaldegayay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo fikrad ahaan taageersan in Madaxweyne Farmaajo uu marka koowaad uu dhisi doono ciidamo aran oo Soomaaliyeed, si Amisom looga maarmo.

 Halkan Ka Daawo VIDEO