Daawo: 25 Sano Ka Dib Oo Dib Loo Dhisaayo Maxkamada Gobolka Bay iyo Adeega Garsoorka..

0
379

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha koonfur galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa maanta kor meeray qaybo kamid ah xaruumaha dowlada ee burbursa  oo ay kamid tahay xaruntii maxkamada Gobolka Bay.

Kadib markii Dhawaan Baarlamanka KG uu ansaxiyey Gudiga Adeega garsoorka Baarlamanka ayaa waxaa Maanta Xaruuntii hore ee Maxakamada Gobolka Bay kormeeray Madaxweynaha KG ee soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu Weheliyey wasiirka Amniga KG C/fataax Maxamed Ibraahim geesay.

Halkan Ka Daawo

Dhismaha Maxakamada ayaa waxaa kamuuqadey  Burbur Nadaafadaro Maadaama dhoor iyo labaatankii sano ee la soodhaafey anay shaqey islamarkaasina helin  wax dayacatir ah.

Madahaweynaha iyo Wasiirka Amniga ayaa mid mid u kormeeray Qaybaha Dhismaha Maxakamada ay ka koobantahay ,madaama dawladu ay wado qorshe dib udhis looga sameynaayo  xaruumii dawlada  oo badankooda kamuuqata Burbur xoogan iyo daryeel la’an

Wasiirka abniga Cabdi fataax Geesey oo saxaafada lahadlaayey ayaa  ka warbixiyey ujeedada kormeerkooda wuxuuna sheegay in madaxweynaha uu amray in shimaheeda labilaaabo xaruunta maxkamada gobolka

Ugu dambeyntii, Kormeerka Madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya uu kormeeray xaruuntii maxkamada gobolka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan baarlamaanka KG uu ansixiyey  Gudiga garsoorka.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here