Baydhabo(INO)- Shirka Maanta waxaa kasoo qayb galey Xubno sare ee Golaha Badbaadada , Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya , iyo Aqoonyahanada Dibada ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya Qodabada loogu hadley waxaa kamid ahaa
- Dhibaatada Shabeelada Hoose iyo Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo
- In lamideeye Gollaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed si loon gaaro Hadaf siyaasad ee mideysan
- In latoosiyo Nidaamka Maamul ee Hada Jira ee koonfur galbeed Soomaaliya
- In lala hadlo Masuuliyiinta ugu sareeyso KG si loo helo Xal u helid Aaayaha Koonfur Galbeed ee dhinac kasta
- In lahortago Boobka Dhulka lagu wado , lana difaaco Bulshada dhibaatada lagu Hayo , Ka siyaasad ahaan Dhaqaale ahaan iyo difaac ahaan.
- In la qabto shirar Joogto ah ee loogu hadlayo Aaayaha Dowlad Gobaleedka Koonfurta Galbeed
- in Shirka loogu yeero Aqoonyahanada Koonfur galbeed ee aan hada shirka maqan
- in Shirka Todabaadka soo socda lasameeyo Gudi kashaqeeya Aruurinta Qodabada shirka loogu hadlayey Lana Gorfeeyo si loo helo Xal waara
Ugu dambeyntii, Shirka weli waa socdaa weli xalkii lamagaarin ee waxaa labalamey Jimcaha Soo socda Hadii Alle yiraahdo Qodabadaasi waa Qodabo ay soo jeediyeen Ka qayb galayaasha Shirka Maanta isugu yimid,Kulanka waxaa Soo Qaban qaabiyey Xafiiska Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed.
Idris Cabdi Takhtar
Gudoomiye Ku Xigeenka Gollaha Badbaadada KGS
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo