Waa Sidee Xaalada Magaalada Muqdisho iyo Maanta

0
305

Magaalada muqdisho ayaa maalmahaan sawaxanka ugu badan ka jira ayaa ah arimaha dastuurka, meel waliba dadka waxa ay hadal heeyaan arinta Dastuurka, shacabka reer muqdisho ayaa waxa ay u sugayaan ama u hami taagayaa natiijada ka soo baxda kulanka ansixida dastuurka cusub uu dalka yeelanayo.

[levo cats=2]

 Magaalada Muqdisho ayaa meel waliba ciidan lagu daadiyay amniga magaaladana aad ayaa loo adkeeyay waxa aad arkeysaa meel waliba ciidan haba u bahnaato wada isku xirta KM4 ilaa Xamar Jajab, askartaan oo wada xiran dareeska Ciidanka Booliska.  Dhanka kale hotelada magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale buux dhaafshey siyaasiyiinta, qurbo joog iyo weliba ganacsato dooneysa iney dalka maal geshtaan. Shacabka iyo Siyaasiyiinta waxa ay aad u hadal heeyaan arimaha dasturka iyo goorta ama xiliga liiska baarlamaanka cusub sooo baxaayo. Odayaasha dhaqanka ayaa ayaguna ku mashquulsan xulida xubnaha baarlamaanka cusub ee soomaaliya uu yeelanaya taasoo loo mudeeyey iney ugu dambeyn soo gubiyaan bishaan July 30keeda oo ku aadan Isniinta soo socota.  Haddaba Waxii ka soo kordha Xaalada Muqdisho xaga amniga iyo siyaasada  haddii Alle idmo  waan idin la soo socsiin doonaa haddii alle idmo
 Idale news Online “INO”Muqdisho