Muqdisho(INO)— Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa xalay lagu dhaariyay magaalada Washington, iyadoo dowladda Mareykanka ay markii u horeysay Soomaaliya u diri doonto Safiirkeedii u horeeyay muddo 25 sano.
Munaasabad dhaarinta Safiirka cusub ee Mareykanka Stephen Schwartz ayaa waxaa ka qeyb galay Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Afrika, Diblomaasiyiin iyo saraakiil ka socotay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.
Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maretkanka Anthony Blinken ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyo badan,balse ay jiraan caqabado kale oo isugu jiray dhinacyada siyaasada, amniga, iyo dhaqaalaha.
Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz oo khudbad ka jeediyay dhaarta kadib ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso Ciidan Soomaaliyeed oo ka adkaada Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay taageero ka heshay Ciidamada Midowga Afrika, balse haatan la gaaray waqtigii Ciidamada Soomaaliya lagu wareejin lahaa ammaanka.
“Waxaa imika la joogaa wakhtigii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ay abuuri lahaayee ciidamo qaran oo Soomaali ah oo waxtar leh, jawaabna bixin kara, si ay uga adkaadaan al-Shabaab sidoo kale u mideeyaan dalka”ayuu yiri Stephen Schwartz.
Aqalka Senate-ka ayaa bishii May ansixiyay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schwartz, kadib markii Madaxweyne Obama uu magacaabay, waxaa uu lagu bedelay Haweeney Catherine Dhanaani oo xilka Safiirnimo isaga casishay sababo shaqsi awgeed.
Mareykanka ayaa sanadkii 2013 aqoonsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo mareykanka uu malaayiin dollar ku bixiyo taageerida Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay