Baydhabo(INO)-10 caruur ah oo agoon ah isla markaana ku nool degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa haysata dhibaato Dhanka raashiinka ah iyo Weliba hoy la’aan, iyagoona weystey dadka mulimiinta ah Gargaar Deg deg ah.
Warbaahinta Idale News Online ayaa u kuur gashey noolasha dhabta ah ee caruurtan iyo weliba daruufta haysto ayagoona ah hoy la’ iyo raashin intuba , Aabahooda ayaa daruuf darteeda u geeriyoodey sanadkii hore sida ay inoo sheegtey hooyo Xabiibo Maxamed oo dhashey caruurtan 10 ah.
Hooyo Xabiibo Maxames Waxay ugu baaqday masuuliyiinta Gobolka Bay, hay’adaha Samafalka iyo Qurbo joogta soomaaliyeed iney arkaan dhibaatada heysata caruurtaan ayna wax ka qabtaan intii karaankood ah.
Dhibaatada iyo diifta ka muuqata caruurtan ayaa ah mid naxdin badan isla markaana dadka muslimiinta waxaan u baaqeynaa in ay caawiyaan walaalahan dhibaysan isla markaana ku nool magaalada Baydhabo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.