Daacish oo Mar kale Xarakada Al-shabaab ugu baaqday inay kusoo biiraan Xoogaggooda

0
201

Muqdisho(INO) — Ururka Daacish ayaa mar kale ugu baaqday Xarakada Al-shabaabta ee Somalia inay kusoo biiraan, ayna u hoggaansamaan Amiirka ugu sarreeya kooxda ISIL, Abuubakar Al-Baqdaadi.

Daacish ayaa fariimahan baaqa ah waxay kasoo saareen dhammaan goobaha ay ka taliyaan ee ku yaalla dalalka Carabta, sida Sinai, Masar, Raqqa, Suuriya, Furaat oo Ciraaq iyo Xad-ramuud, Yemen ayaa waxay ahaayeen Hal ujeeddo, waxaana loogu magac daray [XAQA KOLONYADA] iyo dhageyso Mujaahidka ka dagaaLlamaya Somalia.

Xoogagga IS mid ka mid ah ayaa fariintan muuqaalka ah ku sheegay in dhaq-dhaqaaqooda kala duwan ee Caalamka ay ugu baaqayaan Al-shabaab inay la midoobaan Khilaafada Islaamka ah.

Fareiintan ayaa ahayd tii labaad oo Daacish u soo dirto Al-shabaabta Soomaaliya oo ay ugu baaqayaan inay kusoo biiraan, balse Al-shabaab ayaan wax jawaab ah wali ka soo saarin.

Dhanka kale, warar soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in Al-shabaab dhexdooda ay ku kala aragti duwanaadeen inay ku biiraan Daacish iyo in kale, waxaana murankan uu keenay in la xiro shan ka mid ah ajaanibta ka bar-bar-dagaalama Al-shabaab.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo la xiriira inay aqbaleen baaqa uga yimid Daacish iyo in kale, iyadoo weli uu taagan yahay muranka ka dhshay ku biirisita Daacish iyo ku biiris-la’aanteeda.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here