Daacish Oo Looga Cabsi Qabo Inay Weerarto Hotelo ku yaal Magaalada Boosaaso

0
191

Bosaso(INO)- Milkiilayaasha Hoteelada ku yaallo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa waxaa loo jeediyay digniin ku aadan dhanka ammaanka, kadib markii maalintii Arbacada ee todobaadkii aan soo dhaafnay weerar lagu qaaday hotel ku yaallo Magaalada Boosaaso.

Duqa Magaalada Boosaaso Yaasin Mire, ayaa u sheegay Warbaahinta Milkiilayaasha Hotelada in laga doonaayo ilaalo fiican oo hubeysan inay u sameystaan Hoteeladooda.

Wuxuu sheegay inay suuragal tahay Shabaab ama Daacish inay weeraraan Hoteladaasi, maadaama muddooyinkii dambe ammanka uu ahaa mid aanaan wanaagsaneyn, islamarkaana ay jirto cabsi dhinaca Hotelada ah.

“Milkiilayaasha Hoteelada ku yaala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa loogu baahan yahay in ay sameystaan ilaalo tayo wanaagsan oo ka hortaga weeraro lagu qaado hoteelada, shabaab waxa ay ku sugan Yihiin Magaalada mar walba waxa ay u taagan yihiin dhibaateynta shacabka.” Ayuu yiri Yaasin Mire.

Walaac badan oo dhinaca ammaanka ah ayaa ka jirta Magaalada Boosaaso, maadaama muddooyinkii dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay ka dhacayeen Magaaladaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Hotel Village ee dhanka Galbeed Magaalada Boosaaso, Shabaab waa ay iska fogeeyeen masuuliyadiisa, inkastoo ilaa hada aanan la ogeyn cida weerarkaasi fulisay.