Daacish oo Bur Burisay Goobihii Taariikhiga Ahaa Ee Magaalada Palmyra

0
219

Palmyra(INO)— Xoogaga Daacish ayaa bur buriyay goobihii taariikhiga ahaa ee ku yaallay magaalada Palmyra ama Tadmur, halkaasoobishii May ay la wareegeen.

Palmyra,_Syria_-_2

Macbadkan ayaa ahaa meelaha qadiimiga ee loo yaqaano Aathaartii hore ee Dunida, waxaana la dhisay 2000 oo sano ka hor, iyadoo ku jirta diiwaanka UNESCO.

Madaxa aathaartii hore ee dalka Suuriya Ma’muun Cabdulkariim ayaa sheegay in Kooxda Dowladda Islaamiga ah ay qarxisay macbadka Baalshamin oo ay burburisay.

Dadka deegaanka oo isaga carraray magaalada ayaa sheegaya in in muddo bil ka hor goobtaas taariikhiga ah lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Magaalada Palmyra ayaa caan ku ah goobaha taariikhiga ah ee Giriigga iyo Romaniyiinta.

Bishii la soo dhaafay ayaa Kooxda Dowladda Islaamiga ah waxa ay soo bandhigtay sawirro muujinaya dagaalyahanadooda oo burburinaya waxa ay ku tilmaameen waxyaabo qadiimi ah oo laga bililiqaystay magaalada Palmyra.

Tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadeen dagaalyahanada Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa ku soo beegmaysa maalmo un kaddib markii ay kooxdu dishay nin muddo afartan sano ka badan ka soo shaqeynayay goobaha qadiimiga ah ee magaalada Palmyra.

Idale News Online, Palmyra

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here