Daacish Oo Baadi Goob Ugu Jirta Gabdho Soomaali British oo Ka Soo Baxsaday Kooxdaasi

0
236

Riqqa(INO)-Gabdho Soomaali British oo katagay Magaalada Manchestar ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen Dalka Ciraaq ay horey ugu sugnaayeen, waxaana Gabdhahaasi hada baadi goob ugu jira Dagaalamayaasha Kooxda Daacish.

Qaar kamid ah Wargeysyada ee ka soo baxa Dalka Britain ayaa qoray in labo Gabdhood oo Soomaali British ah iyo gabar kale oo horey ugu biiray Kooxda Daacish in horaantii bishan May ay ka baxsadeen Magaalada Mosul ee Waqooyiga Iraq.

Gabdhahan asalkoodu Soomaaligu yahay oo mataano ah ayaa lagu kala Magacaabaa Sahra Halane iyo Salma Halane, waxaana gabdhahaasi markii ay tageen Dalka Ciraaq Guursaday rag kale oo Jihaad u tagay halkaasi kuwaa oo lasoo warinayo in dagaal lagu dialy.

Gabdhahan kasoo baxday Daacish ayaa raja ka qaba in iyaga oo bad qaba ay dib ugu laabtaan Dalka Britain ay markii hore ka tageen, waxaana wali aan war laga heyn halka ay ku sugan yihiin iyo xaalada ay xiligan ku jiraan.

Qoraa Baraha Internetka wax ku qora ayaa sheegay in ay Dagaalyahannadda Daacish baadi-goobayaan Gabdhahaasi, kuna hanjabeen inay dili doono haddii ay soo qabtaan Gabdhahaasi oo ay ka geeriyoodeen rag ka tirsanaa Dagaalyahanada Kooxda Daacish

Theresa May oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee dalka Britain, ayaa sheegtay in mid mid loo qiimeyn doono kiisaska gabdhaasi ku biiray Daacish ee hada doonaya in ay kasoo baxsadaan kooxdasai ayna kusoo laabtaan Britain.

Waalidiinta dhalay Gabdhahan Mataanaha asalkoodu Soomaaliga yahay ayaa rajo ka qaba in ay dib ugu soo laabtaan gabdhahooda oo bad qaba, waxa ayna xili kasta ku duceestana in ay usoo laabtaan gabdhahooda si uu Wargeyska Daily Mail u sheegay mid kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Manchester.

Sahra Halane iyo Salma Halane oo hada 17-sano jiro ah ayaa sanadkii hore isaga tagay gurigooda oo kuyaala Magaalada Manchester ee Dalka Britain, waxa ayna gabdhahaan safar qarsoodi ah ku tageen Dalalka Ciraqa iyo Siiriya iyagoona ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalkaasi.

 Idale News Online, Riqqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here