Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, shir Jaraa’id ku qabteen Odayaal dhaqmeedyo, Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana ay ka soo jeedaan G/Sh/Hoose ,kuwaasoo ka hadley Colaadaha, Barakaca iyo arimaha Bini’aadanimo ee ka jira Gobolka Shabellaha Hoose.
Kullankan ayaa waxa hadley Danjire C/laahi Maxamed Ismaaciil iyo Wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiag ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/naasir Cabdi Caruursh, iyagoona si wada jir ah Baaq dheer ugu direy Hay’adaha Samafalka iyo Beesha caalamka oo ku aadan in gurmud deg deg ah ay la gaaraan Shacabka ku dhibaateysan Degaano ka tirsan Shabelllaha Hoose.
“Kullankan waxyaabaha ugu weyn ee aan kaga hadleyno waxa weeye, dhibaatooyinka la soo daristey Beelaha degan G/Sh/Hoose oo ka haystay dhinac abaaraha iyo dhinaca Falalka Guracan ee Al shabaab oo barakicin ka wadaan Degaanada Shabellaha Hoose, oo tuulooyin la gubo leh iyo dad la dilo leh intaas oo dhan ayaa maanta dooneynaa in aan u soo muujino Beesha Caalamka, waxaan dooneyna in Sidoo kale aan tusno Beesha caalamka waxa meesha ka socodo in ay yihiin wax ka baxsan bini’aadanimada, dhaqsona lala soo gaaro Shacabka Shabellaha Hoose gargaar deg deg ah oo isugu jira daawo, cunto iyo biyo “ ayuu yiri Danjire C/laahi Maxamed ismaaciil.
Dhinaca kale wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Calamiga Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/naasir Cabdi Caruush ayaa ku baaqay hay’adaha Samafalka inay gurmada la soo gaaraan Shabcab ku dhibtaysan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose
“ Annagoo ah Wasiiradii, Xildhibaanadii iyo Odayaal dhaqmeedyadii ka soo Jeeda Shabellaha hoose, waxaan halkan u fadhina in aan ka damqano dhibaatada ka socoto Gobolka Shabellaha Hoose, tasoo ay soo jeetameysay mudo aad u dheere marbana xaalado kala duwan ay soo mareysay, waxaan Beesha caalamka ka soconeynaa in dadka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmooyinka hada Colaadaha Ka Socodaan iyo barakac ka jiro sida Marko iyo Afgooye in gargaar deg deg ah la gaaro, dadkaas waa dad masaakiin ah, anigoo ku hadlaya Magaca Dowlada KGS, Gaar ahaan wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga oo ah wasaarad u qaabilsan Koonfur Galbeed arimaha samafka iyo horumarinta waxAan rabaan in Beesha caalamku codsigeena si deg deg ah u soo ajiibaan, dadkaasIna la siyo gacan deg deg ah” ayuu Wasiir C/naasir Cabdi Caruush.
Ugu dambeyntii, Baaqan ayaa waxa uu imaanaya xilli Degmooyin ka tirsan gobolka shabellaha Hoose ay taagan yihiin dagaalo iyo arimo bini’aadanimo aad looga dayriyey.
Halkan ka Daawo VIDEO Baaqa Wasiirka qorsheynta KGS
Halkan Ka Daawo VIDEO Baaq Danjire C/laahi Maxamed Ismaaciil.
Idale News Online , Xafiiska Baydhabo