Raisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh Axmed Max’ed ayaa Xalay Degmada Marka Ee Gobolka Shabellaha Hoose ku Hoyday.
C/wali Sh Axmed ayaa Magaalada Xalay kulan kula Qaatay Odayaasha Degmada Marka,kuwaas oo Dhaliilay Habka Dowladda Federaalka ay Wax u Maamusho.
Dhaliilaha ay Xukumadda Odayaasha u soo jeediyeen ayaa waxaa ka mid ahaa ,in Xukumadda Soomaaliya aysan wax ka Qaban Falal amaandaro oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose iyo Dagaal Beeleedyo Degmada Deegaano hoos yimaada ka dhacay.
Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Balan qaaday in Cabashada Waxgaradka Degmada Marka uu wax ka qaban doono.
Waxaa uu intaa ku daray Raisul wasaarew C/wali Sh Axmed in Arrintaan uu horgeen doono Golaha Wasiirada Soomaaliya si Jawaab looga bixiyo.
Waxaa la filayaa in Raisul wasaare C/wali Sh uu maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ku soo laaban doono.
Idale News Online – MarkaCadey