Xudur(INO)- Kulankaan oo ay isugu yimaadeen Culmaa’udiinka Gobolka Bakool ayaa waxa ay ku muujiyeen taagyeerada ay u hayaan Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Culimada Ahlu sunna Waljameeca oo kulankoodii ugu horeeyay maanta ku yeeshey Magaalada Xudur ayaa baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed meelkasto ay joogaan in ay garab istaagaan xilka culus oo ay u dhiibteen Madaxweynaha Cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Culimada ayaa Hambalyo, Soodhoweyn, Codsi iyo Baaqba U diray Madaxweyne Farmaajo, waxayna sheegeen in ay ka filayaan inuu Madaxweynaha uu sabab unoqodo tanaasul iyo isu soo dhowaansho oo shacabka Soomaaliyeed dhexdiisi ah.
Isuduwaha wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee Gobolka Bakool Sheekh Cabdi Iimaan, Sheekh Cali Ibraahim, iyo Mcalin Cali oo kamid ah Guddiyada Ahlusunna Waljameeca ayaa kulanka kadib Warfidyeenada uga warbixiyay ujeedada ay kala haayeen kulanka Maanta iyo sidii madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqashadiisa ugu horeysa uu ku imaanlahaa Gobolka Bakool si wax looga qabto dhibaatada Abaarta ka jirta iyo wadooyinka gobolka bakool oo ku caanbaxay xanibaadyo .
Tan iyo markii ay soobaxday in Madaxweynaha cusub ee J F Soomaaliya loodoortay mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Gobolka Bakool waxa ka bilowday banaambaxyo lagu soo dhoweynayo guusha taariikhiga ah ee ay u soo hooyatay Umada Soomaaliyeed.
Wariye Maxamed Xasan C/raxaan, Idale News Online, Xudur