Cristiano Ronaldo Oo Lagu Qabtay Isagoo Daawanaya Muuqaalkiisa Ka Hor Kulankii Man City Iyo Real Madrid

0
610

Cristiano Ronaldo ayaa xalayto dhaawac ku seegay kulankii ay kooxdiisa Real Madrid barbaraha goolal la’aanta la gashay kooxda Manchester City ee lugta hore ee wareega afar dhamaadka Champions League, laakiin sidaasi oo ay tahay kaamirooyinka isaga ayay hayeen.

Ronaldo ayaa soo dhex istaagay garoonka Etihad Stadium ka hor intii aysan ciyaarta bilaabanin markaasoo saxaafada ay sawiro kaga dhex qaadeen garoonka iyo weliba muuqaalo, waxaana sawiradii laga qaaday lagu dhex arkay isagoo daawanaya muuqaladiisii laga qaaday daqiiqado ka hor.

Manchester-City-v-Real-Madrid1

CR7 ayaa daawanayay muuqaal uu Instagram soo dhigay xiddigii hore ee Tottenham iyo Barcelona Gary Lineker kaasoo martigeliye ka ahaa barnaamijka Champions League ee BT Sport, muuqaalka ayaase ahaa mid ku saabsan isla Ronaldo oo dhex taagan Etihad Stadium.

Gary Lineker ayaa 155 kun asxaab ah ku leh bogiisa Instagram, waxaana ka mid ah Cristiano Ronaldo kaasoo lagu sawiray isagoo muuqaalkiisa daawanaya xilli uu fadhiyay kuraasta ka danbeysa kursiga keydka.