Garowe(INO)— Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goor dhow ku guuleystay xubinimada Aqalka sare ee Baarlamaanka, kaddib markii uu ka guuleystay Cabdi Mahad Abshir Cusmaan oo kula tartamayay kursiga Aqalka sare.
Saciid Qoorsheel oo ka mid ah Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaalka ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, waxaana uu sheegay in 59 cod ku guuleystay C/raxmaan Faroole, halka Cabdi Mahad Abshir Cusmaan uu helay 5 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday, halka codka uu maqnaa.
C/raxmaan Faroole ayaa noqonaya qofkii labaad ee ku guuleysta kursiga labaad ee Aqalka sare Puntland u matalaya, waxaana sidoo kale uu horay ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka.
Mr Faroole ayaa waxaa la hadal hayay inuu ku guuleysan doono kursiga Aqalka sare ee Puntland, waxaana shalay khudbadii uu ka hor-jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ka dalbaday inay codkooda siiyaan, si uu ugu matalo, isla markaana uga shaqeeyo danta Puntland.
Illaa 26 Musharax ayaa u tartamayay Musharaxiinta Aqalka sare ee Puntland, iyadoo laga doonayo 11 xubnood, waxaana tartankan laga yaabaa inuu dheeraado oo uu waqti qaato.
Puntland ayaa waxaa u matalaya Aqalka sare 11 xubnood, waxaana ay ku biireysaa Maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Koofur Galbeed oo soo dhameystiray Wakiilada u matalaya Aqalka sare.