C/raxmaan Ceynte oo lagu wado in loo magacaabo Safiirka Soomaaliya ee Kenya

0
228

Mogadishu (INO) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Sii hayaha xilka Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte loo wado xilka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Nairobi ayaa la isla dhex marayaa inuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabi rabo Safaarada Soomaaliya ee Kenya, kaddib markii Safiirkii Safaaradaas loo magaacabay Xil Wasiir ah.

Amb. Jamaal Xasan oo ahaa Safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo loo magacaabay isla xilka uu baneynayo C/raxmaan Ceynte ayay suura gal tahay inay ku kala wareegaan labadaas xil.

Mr C/raxmaan Ceynte ayaa qudhiisa u sheegay rag saaxibo la ah, in loo magacaabo rabo xilka Safaaradda Kenya, balse waxaa uu sugayaa kaliya inta Baarlamaanka ka ansixinayo Golaha Wasiirada.

Sidoo kale dad badan ayaa xusul duub ugu jira xilka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo loo arko inay tahay mid ka mid ah Safaaradaha ugu muhiimsan Safaaradaha kale ee Caalamka, isla markaana ka dhaq dhaqaaq fiican.

Hadii C/raxmaan Ceynte loo magacaabo xilka Safaaradda Kenya, waxay dad badan dood iyo su’aal ka keeni doonaan, sida Madaxweyne Farmaajo mar walba ugu dhiiran yahay inuu xilal u magacaabo dadka xigtada la ah.