Cadaado(INO)— C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa mar kale ku guuleystay kursigii horay loo laalay, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Kursigan ayaa ka mid ahaa 5-kursi oo horay loo laalay, laguna balamay in dib loogu celiyo doorashadooda, waxaana horay loogu doortay Cadaado.
C/qaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha NISA Jen. C/llaahi Gaafow ayaa helay 50 cod, isagoo ka guuleystay Musharax la tartamayay oo lagu magacaabo Zakariye Maxamuud.
Doorashadan kursiga Beesha Murusade/Habarceyno ayaa ka dhigan in mar kale C/qaadir Gaafow Maxamuud uu ku soo baxay isla kursigii beeshiisa ee horay loo qaadacay.
Dhinaca kale waxaa magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ka socota doorashada labo kursi oo ka mid ahaa kuraastii la laalay ee dib loogu celinayo doorashadooda.
Kursiga Kismaayo doorashadiisa ka socota waxaa ku loolamaya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar oo horay Guddigii doorashada Jubbaland ugaga reebay tartanka kursigaas, iyo ninkii horay ugu guuleystay Shaacir.
Waxaa la sugayaa kursigii muranka iyo qalalaasaha ka dhashay ee doorashadiisa ka dhacday Jowhar bishii November, kaasoo uu si layaab leh uga soo baxay Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux oo horay Guddiga doorashada uga joojiyay inuu u tartamo.
Labo maalin ka hor ayaa magaalada Garowe lagu doortay kursigii 1aad ee shantii kursi ee horay loo diiday, waxaa uu ahaa kursiga Beesha Ugaar Saleebaan, waxaana mar kale loo doortay Cabdi Maxamuud.