Muqdisho(INO)-Iyadoo ay mudooyinkaani dambe muuqaneysay Siyaasado xawaare ku socda oo dhexmaraaya DF Somalia iyo Maamulka Jubba, ayaa waxaa sababta arrintaasi ka dambeysay iftiimiyay Col. Barre Hiiraale oo kasoo horjeeda Siyaasada ay DF Somalia ku naas-nuujineyso Maamulkaasi.
Barre ayaa sheegay in DF Somalia aysan raali ka aheyn dhismaha Maamulka Jubb oo uu ku sheegay inuu yahay gaari dhinac u raran.
Waxa uu tilmaamay in dhamaan howlahaasi ay fulinteedu leedahay Dowlada Ethiopia, islamarkaana DF Somalia ay ku qasban tahay inay qaad-qaado Siyaasada Maamulka.
Barre oo taasi ka shanqarinaaya waxa uu yiri “Waa mid qof waliba uu dareemi karo in DF Somalia ay si isdaba-joog ah u gaareyso Kismaayo, waxaa sandulo uga dhigay Ethiopia oo daneyneysa Kheyraadka Kismaayo ku jira”
Barre waxa uu Tilmaamay inuu jiro heshiisyo hoosaad dhexmaray DF Somalia iyo Ethiopia kaasi oo dhigaaya in Ethiopia loo madax-baneeyo Siyaasadaha Jubba, taasina ay sabab u tahay in DF Somalia ay dhaqangaliso.
Dhanka kale, Hadalka Barre ayaa imaanaya, iyadoo Magaalada Kismaayo mudooyinkaani dambe ay ku qulqulayeen Mas’uuliyiin farabadan oo uu kamid ahaa Madaxweyne Xassan iyo xubno ka kala tirsan labada gole ee DF.
Idale News Online, Muqdisho.