C/laahi Sheekh Maxamed: ” Mushaar La’aan Awgeed Ayey Ugu Baxeen Ciidanka Degaanka Goof Gaduud”

0
157

Goofgaduud(INO)- Ciidamada dowladda iyo kuwa Koofur galbeed ayaa ka baxay deegaanka Goof-gaduud oo maalmo ka hor ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa dib ugu laabtay Baydhabo, iyagoo soo baneeyay fariisamhoodii deegaanka Goof-gaduud.

Dadkii deegaanka ayaa isaga qaxay Goof-gaduud, markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen, waxaana dadka ka baqayaan in dhibaatooyin kala kulmaan Al-Shabaab.

C/llaahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidanka ka baxay deegaanka Goof-gaduud ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada ay salka ku heyso cabasho la xiriira mushaar la’aan iyo in aanay helin wax daryeel ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamada qaar ay soo baneeyaan hal difaac, isla markaana tuulada geeskeeda ay ku sugan yihiin.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Goof-gaduud, iyagoo muddo saacado ah la wareegay, hase ahaatee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dib ugu rogaal celiyay, lana wareegay.

Ugu Dambeyntii, Deegaanka Goof-gaduud ayaa u jira Baydhabo qiyaastii 30 KM, waxaana muhiim u yahay gacan ku heynteeda ammaanka guud ee magaalada Baydhabo oo dhowaan doorashooyin ay ka dhacayaan.